Hogaaminta Baxsadka ah ee TPLf ayaa soo saaray Baaq nabaded oo ku aadan inaa xabad joojin laga gaadho Dagaalka ka socda gobalka Tigray’ TPLF ayaa 8 sided shurudood ku xidhay inaa xal laga gaadho Dagaalka gobalka Tigray’ kasocda.
1. inay ciidamada Eritrea ka baxaan gobalka Tigray’ Lana xaqiijiyo…
2. inay ciidamada gaarka ah ee degaanka Axmaaradu ka Baxaan guud ahaan Degaanka Tigray’ waliba konfurta Tigray’ iyo Galbeedka..
3. inaa la burburiyo Maamulka ku meel gaadhka ah’ee lo dhisay Degaanka Tigray Lana soo celiyo xukuumadii sharciga ahayd.
4. inaa xasuuqii lo gaystay shacabka Tigray gudi heer caalami ah lo saaro lana baadho.
5. inaa shacabka Tigray ee qaxay gurmad Degdega lo fuliyo warbaahintana lo fasaxo inay soo galaan gobalka Tigray.
6. inaa bilaa shuruud laso Daayo maxaabista laga qabtay intuu Dagaalku socday TPLf.
7. inaa la dhisaa hantidii shacabka ee lagu burburiyay intu Dagaalku socday.
8. wada hadalka waa inay qabtaan urur heer caalami ah’ kana madax banaan dawlada Ethiopia.
Shuruudahaas haday ogolaato Dawlada Ethiopia waxay TPLf Diyaar utahay inay Wada hadal ku dhamayso Dagaalka dawlada dhexe kala dhaxeeya.
Bayaan ay soo saaren TPLf ayaa lagu yidhi sidaas.
Xigasho: Ogaadenia Media.









