Britain ayaa noqoneysa dalkii ugu horreeyay dunida ee oggolaada in si ula kac ah dad mutadawiciin ah loo qaadsiiyo Coronavirus, si loo horumariyo baaritaanka caafimaad ee xanuunka safmarka ah.
Tijaabada, oo lagu wado inay bilaabato toddobaadyada soo socda, ayaa waxaa lagu sameyn doonaa sagaashan dad is xilqaamay oo lacag la siiyay, isla markaana caafimaad qaba, da’dooduna ay u dhaxayso 18-30-sano, kuwaas oo la qaadsiin doono Covid-19, iyagoona la geyn doono meel la ilaalinayo.
Daraasadda ayaa looga gol leeyahay in lagu ogaado inta ugu yar ee fayraska ah ee caabuq sababi kara. Xoghayaha Ganacsiga Britain Kwasi Kwarteng, ayaa sheegay in daraasadda ay gacan ka geysan doonto helitaanka tallaalka ugu fiican uguna waxtarka badan ee muddo dheer la isticmaali karo.
Arintan ayaa dhaqaatiirta u sahli doonta in ay wax badan ka fahmaan Covid-19, iyo cudurka uu sababi karo feyraska, taas oo keeni karta in la hormariyo tallaalada iyo dawooyinka cudurkan.
UK, ayaa tallaalka Covid-19 ku mudday in ka badan 15 milyan oo qof.









