Hargaysa(AN):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir (Faratoon) ayaa Maanta si rasmi ah u Shaaciyey inuu u Tartami doono xildhibaanimada Golaha Wakiillada oo uu isaga soo sharrixi doono Gobolka Sool.
Wasiir Faratoon oo qayb ka ah wefti wasiirro ah oo kormeer ku galaa-bixinaya deegaamo ka tirsan gobolka Sool, ayaa hadalka ka sheegay munaasibad ay ku soo dhaweeyeen shacabka ku dhaqan deegaamada ay socdaalka ku mareen.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo la hadlay Bulsho weynta ku dhaqan Gobolka Sool, ayaa sheegay in shirar kala duwan oo ay yeesheen aqoonyahanka Gobollada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag lagu go’aamiyey in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda uu u tartamo doorashadda Golaha wakiillada si uu u Hoggaamiyo Golaha Cusub ee la dooran doono 31-ka Bisha May ee sannadkan.
Wasiir Koore waxa uu sheegay in Wasiir Faratoon uu qaranka Somaliland waxtar badan soo geliyey waxaanu Shacab weynaha Goboladda bari ku booriyey inay Codkooda u hibeeyaan Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office








