Hargaysa(AN):-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaridka ah ee Wadani Md. Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro) ayaa Golaha Guurtida Somaliland ku hambalyeyay go’aan kii ay mudada doorashada dib ugu soo dhigeen.
Qoralka uu Gudoomiyuhu soo dhigay bartiisa Facebook ga aya sidan u dhignaa: –
“Waxa aan ku bogaadinayaa Golaha Guurtida waajibaka sharci ee ay guteen manta maadaama oo ay is waafajiyeen muddo xileedka Golaha Wakiilada iyo soo- jeedintii Asxaabta Qaranka iyo Madaxwaynahaba ee cayimaadda doorashada, aririntani waxa ay soo afjartay ismari waa siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanshiyo ra’yi oo muddo soo jiitamayay. Dalkeenna Somaliland waxa uu udhqaaqay oo uu cagta saaray jidkii doorasho muddo dheer la sugayey oo ah doorasho isku sidkan taarikhda markii kowaad, doorasho fursad wayn siinaysa da’yar badan oo u hamum qabtay in ay mar’ uun wax doortaan iyagana la doorto, doorasho fursad wayn siinaysa in haweenkeennu ay soo galaan Golayaasha Qaranka, doorasho fursad wayn siinaysa in ay helaan Beelaha Gabooye metalaad sharci ah”.
Gudoomiyaha ayaa qoralkisa kuso gaba gabeeyay in ugu danbayntii ay midho dhashay xikmadii lagu majiiran jiray Somaliland ee ahayd isu-tanasul, wada-hadal iyo is afgarad in wax walba lagu dhameeyo.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office









