Hargeysa (AN)- Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xaalad Caafimaad oo la soo deristay loo dhigay Cusbitaalka Gargaar ee Magaalada Hargeysa.
Wasiir Kaahin, ayaa la sheegay in ay wakhtigan xaaladdiisa aad u wacan tahay, oo uu soo ladnaanayo, marka loo eego xaaladdii uu ku sugnaa markii Dhakhtarka la geeyey.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku booqday Cusbitaalka Wasiirkiisa Arrimaha Guddaha, waxaanu Illaahay uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office
Xigasho Wargeyska Saxansaxo









