Hargeysa(AN):-Golaha Wakiillada JSL, ayaa maanta ansixiyey Xeerka sahaminta iyo soo-saarista Shidaalka oo kamid ahaa Shuruucda ku jiray ajandaha Kal-fadhigooda, muddo sanado ahna horyaallay.
Fadhiga Golaha oo uu guddoominayey guddoomiyaha Golahaasi Baashe Maxamed, kana soo xaadireen 46 mudane, ayaa waxa ay mudaneyaashu ugu horeyn qodob qodob u ansixiyeen xeerka, iyagoo markii dambena codayn guud u qaaday, waxaana ogolaaday 40 Xildhibaan, 5 mudane ayaa ka aamusay, guddoomiyuhuna muu codaynin.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo natiijada codaynta ku dhawaaqay ayaa sheegay in Xeerka sahaminta iyo soo-saarida Shidaalku, sidaasi ku ansaxay.
Dhinaca kale, Masuuliyiinta Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta JSL, oo markii xeerka goluhu ansixiyey Xeerka warbaahinta la hadlay, ayaa soo dhaweeyey meel-marinta sharcigan oo ay ku tilmaameen mid ay la’aantiisu caqabad ku ahayd maamulka, maareynta iyo munaafacaadsiga khayraadka Shidaalka dalka ku jira.
Halkan Ka daawo muqaalka
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office