Wasiirka Arimaha Gudaha JSL Oo Gudoomiye Cusub U Magacaabay Degmada Arabsiyo

0

Arabsiyo (AN):-Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mudane,Maxmed Kaahin Axmed ayaa Gudoomiye cusub usoo Magacaabay Degmada Arabsiyo oo ka tirsan Gobolka Gabiley halka uu xilkiina uga qaaday Gudoomiyihii hore ee Degmada.

Wareegto uu Ku Sexeexan yahay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ayaa Lagu Soo Magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Arabsiyo Dr Xamse Sacad Aw Muuse halka xilkiina looga xayuubiyey Gudoomiyihii hore Xamse Xaaji

Gudoomiyaha cusub ee Degmada Arabsiyo  loo soo magacaabay Xamse Sacad Aw Muuse ayaa kamid ah dhalinyarada Aqoonyahanka Degmada ,waxaana lafilayaa in maalmaha soosocda xilka uu kala wareego Gudoomiyihii hore

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office