Sacuudiga iyo xulafadiisa ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed dib ula sameystay Qadar

0

Xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Qadar iyo afar waddan oo carbeed ayaa dib loo soo celiyay, kaasoo waddanka adar xayiraad saarayay muddo ka badan saddex sano ah, sida uu sheegay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya.

Amiir Faysal Bin Farhad ayaa warfidiyeenka u sheegay in dalalku ay isku waafaqeen in ay dhinac iska dhigaan khilaafka u dhaxeeya kaddib markii ay isugu tageen shirka khaliijka maalintii Talaadada.

Inta aan go’aankaas lasoo saarin ka hor, Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa meel fagaare ah laabta ku galiyay amiirka Qadar, Tamin Bin Xamad Al-Thaani

Sacuudi Carabiya, Isu tagga Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar ayaa Qadar xiriirka u jaray sanadkii 2017-kii, kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay taageerto ururrada argagixisada.