Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Shilalka Gadiidka Ee Dalka Kusoo Badanaya

0

Hargeysa (AN)-Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland ayaa ka hadlay muddooyinkii u dambeeyay shilalka Gaadiidka ee ka dhacayay dalka.

Cumar Cabdillaahi Aaadan Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland ayaa sheegay mudadii saddexda sano ahayd ee ay jirtay wasaaradda Gaadiidku inay ku taalabsatay horumar la arki karo. Waxa uu sheegay in la adkeeyay qaadashada Liisamada Gaadiidka, Waxa uu sheegay inay soo kordhiyeen qalabka xadida xawaaraha ee bad qabka gaadiidka. Waxa kale oo lasoo kordhiyay Geerashyadii lagu baadhayay badqabka Gaadiidka kuwaas oo laga hirgaliyay 6-da gobo lee Somaliland.

Agaasimaha ayaa sheegay in addeegyadaas oo dhan loosoo kordhiyay sidii loo yarayn lahaa Shilalka loona badbaadin lahaa bulshada.