Safiirka Somaliland Ee Dalka Taiwan Oo Qaabilay Madaxa Ha’yadda ICDF

0

Teipe (AN) :-Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Taywaan Amb Mohamed Hagi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hay’adda ICDF ee u qaabilsan Taywaan iskaashiga horumarka caalamka (International Cooperation and Development Fund) Dr Pai-Po Lee iyo Madaxa Cisbitaalka Kaohsiung Medical University Hospital, Dr Shang-Jyh-Hwang.

Hay’adda ICDF iyo Cisbitaalka Kaohsiung waxa ay si wadajir ah u ga fulin doonaan Cisbitaalka Hargeisa mashruuc saddex sano socon doona oo daryeelka hooyada iyo dhallaanka ah.
Kulanka oo ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarasho ayaa waxa kale oo si weyn loo gu faaqiday mashaariic kale oo ay ICDF ka fulin doonto Somaliland, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, beeraha, dawlad wanaagga, iyo horumarinta tiknoolajiyada oo ka bilaabmi doona horraanta 2021.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office