Abiy Ahmed Somalia Muxuu Ka Yidhi Maanta?

0

Abiy Ahmed Somalia Muxuu Ka Yidhi Maanta?

Abiye Ahmed ayaa maamulkii horee TPLF ku eedeyay innay dalalka dariska sidda Soomaliya faragalin iyo dhibaato ku hayeen.

Arrimaha Soomaliya mar uu ka hadlayay wuxuu yidhi:-

“Soomaliya kolkii aan tagnay waxay nagu dhaheen idima aaminayno, idinkaa iskukaaya diraya oo qabiil noo kala qaybinaya, Dawladdiina ayaa maamul Gobaledyo noo kala qaybinaysa, idinkaa sabbab u ah innaan is cuno. Aad ayaan idin necebnahay, ayay si cad noo dhaheen”

Abiye Ahmed oo haddalkiisa sii wata ayaa yidhi:-

“Itoobiya waxay ahayd mid laga naco dalalka dariska, isbadalka kaddib daddaalo diblomaasiyadeed oo aan samaynay ayaa wax baddan baddalay. Waana sabbabta nacaybkii intay dalalkan iska dhaafeen ay noogu taageereen hawlgalka Tplf ka dhanka ah.”

Abiye Ahmed ayaa siddoo kale sheegay in Koonfurta Sudan cabasho noocana usoo gudbiyeen, sigaara waxay ka cabanayeen Siyoum Mesfin oo ay sheegeen innuu qayb ahaa dhibaatadooda ayuu yidhi Abiye Ahmed:

W-Q:- Macalinka