Madaxa WHO oo beeniyey eeddeymo loogu jeediyey Dagaalka Tigray

0

Madaxa Ha’yadda Caafimaadka Adduunka Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa beeniyay eedeymo uu u jeediyay taliyaha guud ee ciidamada militeriga Itoobiya kaas oo sheegay in uu TPLF ka caawiyay hubka iyo galaangalka caalamka.

Dr Tedros wuxuu kasoo jeedaa qowmiyadda Tigreega, wuxuuna ahaa wasiirkii caafimaadka ee Xukuumaddii TPLF, laakiinse waxa lagu tilmaamaa in aanay isku wanaagsanayn hogaamiyeyaasha TPLF.

“Waxaa jiray warar sheegayo in aan dhinac taageerayo, ma ahan arrin sax ah, waaxaana sheegayaa in aniga aan tageersanahay hal dhinac, waana dhinac nabadda” ayuu yidhi Tedros oo qoraal bartiisa Twitter-ka soo dhigay.

Wuxuu ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamayo Tigray inay wadahadal ay kusoo afjaraan xiisadda si adeegyada caafimaadka iyo gargaarka loo gaarsiiyo shacabka.

Shalay ayay aheyd markii taliyaha ciidamada xoogga dalka Itoobiya Berhanu Jula ku eedeeyay madaxa ha’yadda Caafimaadka Adduunka in uu wado tallaabooyin uu ku garab siinayo TPLF xilli ciidamada dowladda ay dagaal kula jiraan Maamulka gobolkaas.
Hay’adda Qaramada midoobay iyo beesha caalamka ayaa ugu baaqay Reysalwasaare Abiy in uu joojiyo dagaalka ka socda Tigrayga.