Bilihiii u dambeeyay dunidu waxay marag ka ahayd bilawga isbeddel siyaasadeed oo ka tisqaaday gobolka Bariga Dhexe, kaddib markii ay heshiis nabadeed oo taariikhda galay ay wada saxeexdeen dalalka Israa’iil, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn Bishii Augost, wuxuuna heshiiskani Hoosta ka xariiqay markii ugu horraysay ee waddamada Khaliijku ay aqoonsadaan Dawladda Yuhuudda.
Sidaas waxa lagu bilaabay warbixin lagu daabacay majaladda Middle East Headlines, taas oo lagu faaqiday Saamaynta uu heshiiskani ku yeelan karo gobolka iyo suurto-galnimada xidhiidho ugub ah oo ay dhexmara dowladda Israaiil iyo waddamo dhowr ah oo ku kala yaalla Bariga Dhexe iyo Afrika, kuwaas oo sida lagu sheegay warbixinta ay Somaliland ka mid tahay.
Waxa warbixinta lagu qaadaa dhigay faa’idada ugu jirta dowladda Israa’iil inay xidhiidh la samayso Somaliland oo ku taalla mandaqad istaraataji u ah Isu-socodka ganacsiga iyo ammaanka marinnada ganacsi ee Badda Cas iyo Gacanka Carbeed.
Warbixinta lagu daabacay Middle East Headlines waxa lagu yidhi, “Waddan kaliya oo u muuqda inuu aad u danaynayo inuu xidhiidh la yeesho Israa’iil waa dalka afrikaanka ku yaalla ee Somaliland.
Waa waddan yar oo ku yaalla cidhifka Bariga qaaradda, waxaanu leeyahay taariikh soo jireen ah oo la mid inta ay leeyihiin dalalka ay gobolka yihiin. Waxa uu madax-bannaanidiisa la soo noqday 1991-kii kaddib markii dagaal sokeeye ka qarxay Soomaaliya, taas oo sababtay iyo dadkii ka soo jeeday maxmiyaddii Ingiriiska ee Biritish Somaliland ay shaaca ka qaadeen inay dib la soo noqdaan madax-bannaanidooda si ay u samaystaan Jamhuuriyadda Somaliland oo intii xilligaas ka dambaysay ay maamulayeen dawlado si dimuqraadi ah loo soo doorto. Inkastooy jirto xasiloonidaasi, Soomaaliland wali waxay raadcaynaysaa aqoonsi caalami ah.
Xilligan Somaliland waxay si buuxda uga mid tahay Urur lagu magacaabo Dhaq-dhaqaaqa dalalka aanay cidi metelin ee adduun (UNPO) oo maamul ahaan Hoos taga Qaramada Midoobay.
Waxyar ka dib heshiiska dhexmaray Carabta iyo Yuhuudda ee lagu saxeexay Washington, dowladda Israa’iil waxay si cad hoosta uga xariiqday suurtagalnimada Soomaaliland ay ku noqon karto mid ka mid ah waddamada ku xiga ee xidhiidhka la yeelanaya Israa’iil, haddii arrintu sidaas tahayna, xidhiidhkani waxa uu noqon doonaa mid faa’iido u leh labada waddan ee Israil iyo Somaliland.
Waa midda koowaade, Somaliland waxay ku taalaa gobol qani ku ah khayraadka dabiiciga ah, waxaanay hoy u tahay kheyraad bisil oo aan laga faa’idaysan iyo macdan ceegaagta oo ay ka mid tahay Gypsum oo ah macdan qaali ah oo loo isticmaalo bacriminta beeraha. Waxa kale Somaliland qani ku tahay xaddi badan oo dhagax macdaneed ah iyo macdanta warshadaha oo qaarkood ay ku yar yihiin in laga helo dunida inteeda kale.”
“Laga soo bilaabo xilligii la aasaasay Somaliland waxay u halgantay sidii ay kheyraadkeedaas ugu heli lahayd dariiq ay u marto suuqyada caalamiga ah, waxaanay ku guulaysatay inay horumar ka samayso arrintaas tobankii sanno ee u dambaysay, xidhiidhka israa’iilna waxa uu sii xoojin doonaa in Somaliland ka faa’idaysato kheyraadkeeda dabiiciga ah.” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta.
Waxa kale oo warbixinta lagu yidhi, “Dhinaca kale ee ay Somaliland xidhiidh kala yeelan karto israa’iil waa dhanka amaanka. Somaliland waxay sannado u dagaalamaysay sidii ay ula tacaali lahayd Kooxaha Xag-jirka ah ee ka jira gobolka, kumana cusub dhibaatooyinka ay geystaaan kooxaha Argagixisada, iyadoo ay Somaliland u soo joogtay weeraro sababay dhimasho oo ka dhacay Hargaysa sannadkii 2008. Iyagoo taas ka qiyaas qaadanaya ciidamada ammaanka Somaliland waxay qabteen shaqo ku dayasho mudan oo ay iskaga caabinayaan weerarada ay soo qaadayaan ururada mayalka adag sida kuwa la jira Alqaacida iyo Alshabaab. Guusha kale ee Somaliland gaadhay waxa ka mid ah korodhka awoodda Ciidamada Milatariga oo ay ka caawiyaan dalalka Saaxiibada la ah. Tusaale ahaan Sweden waxay saddex doonyood ku caawisay ciidamada ilaalada Xeebaha si ay isku hortaagaan hubka sharci-darrada ah ee laga soo galinayo Yemen.”
Warbixinta oo lagaga hadlay faa’iidooyinka Somaliland ugu jira xidhiidhka Israa’iil, waxa lagu yidhi, “Xidhiidhka israa’iil wuxuu magac u keeni karaa xidhiidhka sii koraya iyo liiska xulafada Somaliland ee dalalka caalamka.
Somaliland waxay ku taalaa mandaqad muhiim u ah ganacsiga adduunka marka laga hadlayo biyo- mareenada dunida ee ku fidsan laga soo bilaabo badda midhitareeniyaanka ilaa iyo xeebta hindiya.
Waa marin biyoodka ciidamada difaaca maraykanku ugu magac dareen “gobolada 95aad ee dhulka”. Somaliland iyo dalalka la jaarka ahina aad bay uga warhayaan muhiimada ay leedahay meesha ay ku yaalaan.
Waxa ku yaala Dekeda Berbera oo ah goob istaraatiiji ah u ah marin biyoodkaas, taas oo casriyeyn iyo ballaadhin lagu sameeyey kaddib markii ay maalgashatay shirkad laga leeyahay dalka Isu-tagga Imaaraadka.” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixintan oo lagu sheegay in Iskaashiga dalka Israa’iil oo ah waddan Xeeb Badda cas xeeb ku leh uu kaalin muhiim ah ka qaadanayo koboca dhaqaalaha marka la eego marin biyoodka ay dekedda Berbera kulaalayso ee Gacanka Cadmeed oo dowladda Israa’iil qayb libaax leh ka qaadan karto marka la eego dhinaca ammaanka.
Gunaanadkii waxa warbixinta Middle East Headlines lagu sheegay in xidhiidh dhexmara Somaliland iyo Israa’iil uu muhiimad weyn u leeyahay ammaanka mandaqadda Geeska, isla markaana uu calaamad u yahay guul weyn oo laga gaadhay horumarka siyaasadeed ee ka curtay gobolka Bariga Dhexe.








