“Waxaan Uga Digayaa Dadka Faafinaya Wararka Beenta Ah, In Ka Waantoobaan Baahinta Warar Aanay Hubin”Maayarka Gabiley.
GABILEY(AN)-Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Ayaa Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegaya in laga saaray xubnaha golaha dhexe Ee xisbiga kulmiye
Maayar Maxamed Amiin Ayaa Sidaa ku sheegay Qoraal Uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay twitter isagoo sheegay in aanay waxba ka jirin uuna kamid ahaa ergooyinkii ka qaybgalay shirwaynaha xisbiga kulmiye ee xubinnimadooda golaha dhexe lagu ansixiyay shirwaynaha xisbiga.
Waxaan ka mid ahaa Ergadii ka qaybgashay Shirweynihii Xisbiga Kulmiye, sidoo kale xubnihii loogu doortay sida rasmiga ah inay noqdaan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Sidaa daradeed waxaan uga digaya dadka faafinaya wararka beentaa inay ka waantobaan baahinta wararka aanay hubin. pic.twitter.com/IvP892tr0v— Mohamed-Amin Omer Abdi (@mixilegab) October 9, 2020
Dhanka kale Maayarka Magaalada Gabiley ayaa kamid sida xeerka xisbiga kulmiye sheegayo xubnaha golaha dhexe kusoo galayay xilalka ay hayaan sida maayarada dal,wasiirada,xildhibaanada golayaasha qaranka.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office









