RAYSAL WASAARAHA ISRAEL IYO XAASKIISA OO SAFARADDOODA DIBADDA LAGU EDEEYEY IN AY DHAR-MAYDHASHO UGU FAAIDAYSTAAN

0

Hargaysa(AN):-Haddii ay Casuumadaha Qasriyada, Suudhadhka madaw, iyo Hadiyada Qaaliya oo la isku dhaweeyaa ay ahaan jireen habdhaqan dibloomaasiyadeed, Waxa ay raysal wasaaraha Israel iyo Xaaskiisu la shiryimaaddeen habdhaqan cusub oo soo jiitay hadal-haynta Saxaafadda; Waana Dharmaydhasho Bilaasha (free dry cleaning)

Warbixintan Ayaa Waxa ka qoray wargeyska The Gurdan ee kasoo Baxa Dalka Ingiriiska ayaa lagu Yidhi

Natanyahu iyo xaaskiisa Sara waxay ku caanbaxeen inay shandadahooga Safarka ku buuxiyaan maryahooga uskagga ah, si ay ugu soo maydhaan dalalka ay u baxaan iyagoo ka faaidaysanaya kharashka dalalkaasi martiqaadayna ay dhar-maydhis bilaasha halkaasi ku hela.

Walaw uu xafiiska arrimaha dibadda ee Israel diidday dhaleecayntaasi, haddana tiraba oo dhawr jeer oo hore ayaa lagu dhaleecayay Masuulkan 70 jirka ahi inuu dharkiisa maydhista u baahan u qaato Safarrada dibadda.

Waxay ahayd 2018 markii ay war si sir ah usoo baxay uu sheegay in ay Sara Natanyahu ay la dhooftay afar illaa shan shandadood oo dhar uskaga ah, Waxaanu laba sanno ka hor Raysal Wasaaruhu soo jeediyay hindise xeereed uu ku dalbanayo in Rasiidhada Lacageed ee ku baxa dhar-maydhista Raysalwsaaraha lagu daro Xogaha Dhawrsoon een la shaacin karin.

Safaaradda Israel ee Washington ayaa beenisay wararkan ugu dambeeyay ee dhar-maydhista, sheegtayna in ay tahay been la shaacinayo si hoos loogu dhigo Muhimadda Safarka Raysal wasaaraha iyo Guulaha laga gaadhay xidhiidhka wada-hadal ee dhexmaray dawladiisa iyo Iskutagga Imaraadka Carabta.

Natanyahau ayaa ku jira dacwado musmaasuq oo lagu eedaynayo in uu siyaabo qaldan uga faaidaysto Awooddiisa xileed. Dacwadahaasi oo illa imika kaga socda Dalkiisa.

Xigasho; the guardian