Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb Galay Arday Ka Qalinjebisay Jaamacadda Abaarso

0

Hargeysa(AN)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb galay Xaflada qalin jebinta Dufcadii 8aad ee ka baxda Jaamacada Abaarso, ardaydaas oo tiradoodu gaadhaysay 200 oo arday, kuwaasi oo ka qalin jebiyey  Kulliyadaha kala duwan Jaamacada.

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaas ka hadlay ayaa ugu horayn Hambalyo iyo Duco u diray Dhammaan ba Ardayda ka qalin jabisay Jaamacada sidoo kalena wuxuu maamulka, macalimiinta  iyo Waalidiintii Ardayda uga mahadnaqay dedaalkii ay soo geliyeen ardaydan, waxaanu Madaxweyne ku xigeenku ardaydan ka qalin jebisay jaamacadda Abaarso  kula dardaarmay inay dedaalkooda waxbarasho  sii wadaan qarankoodana u shaqeeyaan.

Ugu Danbayntiina Madaxweyne ku xigeenka ayaa Shahaadooyin Gudoonsiiyey Ardaydii qalin jebisay,waxaanay ardaydani ka qalin jebiyeen  kuuliyaddaha jaamacaddaasi ee lagu barto waxbarashada jaamacadda ee heerka kowaad ee Degree-ga iyo heerka labaad ee  Master-ta.

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office