Taipa(AN):-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Taiwan, Joseph Wu, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Somaliland ee dalkaas Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud oo dhawaan madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay xilkaas.
Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin nuxurka kulanka dhexmaray labada masuul, haseyeeshee waxa la filayaa in kulankani hordhac u yahay xadhig-ka-jarista Xafiis dibloomaasiyadeed oo Somaliland ka furanayso caasimadda dalkaas ee Taipei maalinta Arbacada ah ee Berri.
Barta Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, ayaa la soo bandhigay sawirro laga qaaday Kulanka dhexmaray Labada masuul iyo iyo qoraal uu kaga hadlay muhiimadda kulanku leeyahay.
“Annaga oo ah laba dhinac oo Isku feker ah, si isku mid ahna wax u doonayna, waxaanu dhiirrigelin doonnaa nabadda iyo barwaaqada, waxaananu ilaalin doonnaa nidaamkayaga dimuqraadiga,” waxa sidaas bartiisa Twitter ku qoray wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Salaasada maanta.
Wakiilka Somaliland ee Taiwan, Amb. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, ayaa dhankiisa ka hadlay kulanka dhexmaray wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan.
“Waxaan saaka xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Arimaha Dibada ee Taiwan H.E. Dr Joseph Wu. Kulanku wuxuu ahaa mid midho-dhal iyo muhiimadba leh,” sidaas waxa uu Maxamed ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Bishii August 17-keedii ayaa dalka Taiwan, ayaa dibloomasiyadeed ka furtay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaana munaasibaddaas goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Wakiilka Dowladda Taiwan.
In kasta oo aanay labada waddan wax heshiis ah ku gaadhin daah-furka xidhiidh dibloomasiyadeed dhammaystiran oo ay yeeshaan, haddana xidhiidhka ugubka ah ee Somaliland iyo Taiwan, ayaa si xooggan u soo jiitay indhaha caalamka.
Xidhiidhka dibloomasiyadeed ee Taiwan iyo Somaliland ayaa kiciyay weerar diblomaasiyadeed oo kaga yimi dhinaca dalka Shiinaha oo aaminsan in Taiwan ka mid tahay dhul-weynaha Jamhuuriyadda Shiinaha, iyadoo dhawaan ay magaalada Muqdisho shir-jaraa’id ku cambaareeyeen Safiirka Shiinaha ee dalkaas iyo madaxweynaha Somaliya. Waxaana lagu soo waramayaa inay arrintani ku riixday Shiinaha inuu sare u qaaddo rejada ah wada-shaqayn ay ilaalada maraakiibta Shiinaha iyo Soomaaliya ka sameeyaan biyaha ku xeeran mandaqadda Geeska Afrika ee Istaraatajiyadda u ah Isu-socodka adduunka.
Toddobaadkii hore, warbixin la xidhiidha milatariga Shiinaha oo uu soo saaray Aqalka Gaashaan-dhigga Maraykanka ee Pentagon-ka , waxa lagu sheegay in Beijing ay sidoo kale qorshaynayso saldhigyo cusub oo laga yaabo inay ka furtaan dalallka Kenya, Tanzania, Angola iyo Namibia.
Arabsiyonews.com
Arabsiyonews2020@gmail.com
Hargaysa Office








