Hargeysa (AN)-Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Qaar ka mida wasiirada warbixino lagaga dhegeystay.
Fadhigii 63aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeesheen habka Maqalka iyo Muuqaalka oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga hadlay arrimo kala duwan oo muhiim ah.
Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa warbixin guud ka siiyey xaaladda amniga iyo nabadgelyada dalka, sidoo kale, wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha faahfaahin dheer ka siiyey siyaasadda hantida raagta oo wasaaraddu soo diyaarisay, taas oo lagu dabbaqi doono hantida dawladda si loo ogaado, loona qiimeeyo issla markaana loo diwaangeliyo hantida dawladda si midaysan iyada oo hore loogu qaybiyey golaha siyaasaddan.
Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, ayaa golaha hor keenay wax ka beddelka iyo kaabista xeerka waddo-marista, isagoo wasiirku sharraxaad ka bixiyey wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey xeerkaas.
Ugu danbayn waxa goluhu ansixiyey xeerka maal-gashiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo diyaariyeen wasaaradda maal-gashiga iyo xafiiska garyaqaanka guud, xeerkaas oo hore goluhu uga dooday.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.









