Laascanood(AN):-Waxaa maanta gaadhay Magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Wefti sare oo ka socda Xukuumadda dhexe ee Somaliland.
Sida uu ku waramayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee gobolka Sool Libaan Qaran. Ujeedada wefdigan ay hogaaminayaan wasiiradu ayaa ahayd sidii loo xalin lahaa shaqaaqooyin ka dhacay deegaano katirsan gobolka Sool.
Maamulka gobolka Sool iyo degmada Laascaanood iyo bulshada gobolka ayaa soo dhaweeyay wefdiga ay hogaaminayaan wasiirada arrimaha dibadda iyo Warfaafinta Somaliland.
Wasiirada arrimaha dibadda iyo Warfaafinta Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon iyo Saleebaan Yuusuf Cali Koorre ayaa gaadhay deegaanka ay shaqaaqadu ku dhex martay Labada ardaa ee Adhi Caddeeya, iyagoo kulamo la qaatay Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ee ay xurguftu soo kala dhex gashay.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay xaaladda deegaanka Adhi Caddeeya ee gobolka Sool taas oo hadda daggan.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office









