Addis-Ababa(AN):-Ra,isulwasaaraha itoobiya Abiy Ahmed ayaa xilkii ka qaaday wasiirka gaashaadhiga itoobiya oo ka soo jeeda qowmiyada Oromada Lemma megerssa.
Waxaa wasiirka cusub ee gaashaandhiga loo magacaabay Kene’a Yedeta oo ahaa madaxii amaanka ismaamulka Oromia
Lemma waxaa horay looga saaray xisbiga talada haya sidoo kale waxaa laga qaaday kursiigii uu ku matalayay gobalka Oromada aqalka sare ee baarlamaanka itoobiya.
Lemma wuxuu ahaan jiray madaxweynaha ismaamulka Oromada balse waxaa wasiirka gaashaandhiga u magacaabay Abiy markii uu noqday ra,isulwasaaraha itoobiya .
Arabsiyonews.com
Addis-ababa Office









