Khasaaraha Waxa Ku Jira Dhimashada Iyo Dhaawaca Wasiiro,Wariyayaal,Fanaaniin Iyo Saraakiil Kale …….
Muqdisho(AN):-Ciidanka doowlada Somaaliya ayaa isku gadaamay huteelada Elite iyo Dolphin oo lagu qaaday weeraro qarax ku biloowday.
Rasaas ayaa ka dhaceysa gudaha huteelada waxaana ku xayiran dad badan
Shaqaalaha gaadiidka gurmadka ayaa Arabsiyonews u sheegay in ay qaadeen 29 qof oo dhaawac ah.
Waxaa jirta dhimasho balse ilaa iminka waxaa la xaqiijiyay geerida agaasimihii xiriirka gobolada ee wasaarada warfaafinta Soomaaliya
Dadka dhaawaca ah waxaa ku jira sawir qaade ka tirsan SNTV iyo gabar fanaanad ah oo kooxda heegan ka mid ah .
Sidoo kale waxaa dhaawacmay wasiirka howlaha guud ee maamulka Galmudug

Maxamed Ibrahim Macallimuu, Xoghaya Guud ee Ururka Isku-taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaaa ka Mid ahaa Dadka ka soo badbaaday Oo Gudaha Hotel ku jiray Xilliga Weerarka.
Waxii warar ah ee kasoo kordha kala soco Arabsiyonews
Arabsiyonews.com
Muqdisho/Office








