Wararkii Udanbeyey Ee Qarraxii Beirut Iyo Khasaaraha Dhimashada Iyo Dhaawaca

0
Beirut(Arabsiyonews) :-Dalka Qadar ayaa Beirut u diray diyaaradii ugu horeysay oo sita gargaar caafimaad waxaana ka danbeyn doono sadax diyaaradood oo kale kuwaas oo sida 500 oo sariir taas oo loogu talo galay isbitaal dadka lagu daweeyo.

Dalka turkiga ayaa ka qeyb qaadanaya baadigoobka dadka raq iyo ruux la waayay waxayna direen shaqaale gargaar oo qoda burburka daaraha.

Faransiisku wuxuu dirayaa 55 shaqaale amaan ah ,lix tan oo qalab caafimaad ah iyo 10 dhaqtar

Xogtii ugu danbeysay ee qarax weyn oo ruxay magaalada Beirut

Heyada bisha cas ee lubnaan waxay sheegtay in dadka ku dhintay qaraxii fiidkii talaadada ka dhacay lubnaan ay hada tiradooda gaareyso 100 qof.

Sida ay sheegeyso saxaafada lubnaan waxaa dhici karta in dhimashadu intaa ka badnaan doonto.

Meydad ayaa laga helay maanta oo arbaco ah dhismayaasha burburay hoostooda.

Qaraxa ayaa qasaaro ka geystay ilaa 15 mile waxaana la aaminsanyahay in ay gubteen oo aan xitaa haraadigooda la heli karin dadkii joogay hal mile oo ku gadaaman meesha qaraxu ka dhacay

Sidee aduunka uga falceliyay qaraxii Beirut

Ra,isulwasaaraha lubnaan Hassan Diab ayaa caalamka gaar ahaan wadamada saaxiibka ka codsaday in ay gacan ka siiyaan ka soo kabashada dhaawaca dhumucda leh ee gaaray dalkiisa

Siihaya xafiiska ra,isulwasaaraha soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa taleefan uga tacsiyeeyay ra,isumwasaaraha lubnaan isaga oo u sheegay in soomaaliya ay la xanuunsaneyso

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku tilmaamay qaraxa weerar xun wuxuuna sheegay in mareykanku garab taagan yahay shacabka iyo doowlada lubnaan

Ra,isulwasaaraha Britain ayaa sheegay in muuqaalada ka imaanaya Lubnaan ay yihiin kuwo laga naxo isaga oo tilmaamay in UK diyaar la tahay kaalmo.

Faransiisku wuxuu sheegay in gargaar iyo waxyaabaha loo baahanyahay uu dirayo.

Iran waxay tilmaantay in ay kaalmo diyaar la tahay halka sacuudigu sheegay in uu garab taagan yahay lubnaan.

Israa,iil oo aanu cilaaqaad wanaagsan kala dhaxeyn lubnaan ayaa sheegtay in gargaar ay diyaar la taha

Wararka Kasoo Kordhay

Sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka lubnaan waxaa qaraxii Beirut ku dhintay 78 dhaawac aan waa 4,000 ,waxaa qarxay baqaar ay ku jirtay 2,750 tan oo ah kiimikada ammonium nitrate sida uu sheegay ra,isulwasaaraha lubnaan

Madaxweynaha lubnaan Michael Aoun ayaa ku dhawaaqay labo isbuuc oo xaalad deg deg

Madaxweynaha lubnaan Michael Aoun ayaa ku dhawaaqay labo isbuuc oo xaalad deg deg taas oo la galinayo magaalada Beirut oo uu gilgilay qarax xoog leh .

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha fasaxay 50 malyuun oo doolar taas oo xaalada gurmadka wax looga qabanayo

Dhanka kale ra,isulwasaaraha lubnaan Hassan Diab ayaa sheegay in muusiibada aanay noqoneyn mid aan la iskula xisaabtamin .

Mr. Diab wuxuu tilmaamay in la ogaan doono xaqiiqada baqaarka qaraxu ka dhacay oo ilaa 2014 meesha ku yaalay .

Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP waxaa dadka ku dhintay qaraxii magaalada Beirut ee xarunta lubnaan ay tiradooda gaartay 73 halka dhaawaca uu yahay 3,700.

Safaarada mareykanka ee Beirut ayaa dadka u sheegtay in ay guryaha joogaan islamarkaana ay maask xirtaan iyada oo cabsi laga qabo gaas sumeysan oo hawada ku jira.

Wararka Kasoo Kordhay Qaraxii Beirut

Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP waxaa dadka ku dhintay qaraxii magaalada Beirut ee xarunta lubnaan ay tiradooda gaadhay 73 halka dhaawaca uu yahay 3,700.

Safaarada mareykanka ee Beirut ayaa dadka u sheegtay in ay guryaha joogaan islamarkaana ay maask xirtaan iyada oo cabsi laga qabo gaas sumeysan oo hawada ku jira

Qarax Gilgilay Beirut Iyo Khasaaraha

Xogtii ugu danbeysay ee qarax weyn oo ruxay magaalada Beirut ee caasumada lubnaan ayaa sheegeysa in dhimashada ay gaareyso 50 qof halka dhaawucu dhaafay 3000 .

Wasaarada caafimaadku waxay sheegtay in dad badan ay gubteen oo ay noqdeen lafo ayna dhici karto in dhimashada intaa ay ka badnaan doonto.

Dekada magaalada ayaa burburtay oo noqotay gagi maran

Duqa caasimada oo ilmeenayay ayaa war fidiyeenka u sheegay in beirut dhibaato ku dhacday

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office

.