Baarlamaanka Itoobiya Oo Digniin Soo Saaray

0

Addis-ababa (AN) :- Aqalka sare ee baarlamaanka itoobiya ee la yiraahdo house of federation ayaa digniin u diray ismaamulka tigreega dalkaasi oo qorsheynaya doorashooyin.

Warqad uu saxiixay afhayeenka aqalka Aadan faarax oo loo diray gobalka tigreega ayaa lagu sheegay in ay xad gudub cad ku tahay dastuurka in ismaamulka Tigreegu doorasho qabtaan iyada oo guud ahaan doorashooyinkio itoobiya dib loo dhigay.

Itoobiya oo lagu waday in bartamaha bisha August ee sanadkan 2020 ay doorasho ka dhacdo ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira Karoona.

Gobalka tigreega ayaa diiday waxayna ku tilmaameen sharci daro iyaga oo sheegay in doorashada ay qabanayaan waqtigeeda

Arabsiyonews.com

addis ababa  Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here