Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa shacabka dalka Itoobiya ugu baaqay inay si wadajir ah uga hortagaan dadka shaqada ka dhigtay dhiigga shacabka masaakiinta ah iney dalka Itoobiya ku daadiyaan.
Dr Abiy Axmed ayaa warmurtiyeed qoraal ah uu la wadaagay warbaahinta dalka Itoobiya ku sheegay in dowladda waajibkeeda si ay u gudato loo baahan yahay shacabku inay dowladdu ku garab istaagaan dadaallada ay waddo.
“Haddii aan dooneyno inaan dalkeenna gaarsiinno horumarka aan rabno inaan tiigsanno waxaa loo baahan yahay inaan iska tuurno isla-markaana ka xorowno dhaqankii noocaasi ahaa ee marweliba dhibaatada noo horseeda”, ayuu yiri Aby Axmed
XIGASHADA SAWIRKA,PM OFFICE
Digniinaha horay uuu jeeday Abiy Axmed
Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Axmed wuxuu sheegay rabshadihi dhawaan Itoobiya ka dhacay dalka Itoobiya inay soo maleegeen waxa uu ku sheegay cadowga dalka Itoobiya iney laamaha ammaanka Federaalka iyo Deegaanka Oromada aysoo afjareen.
“Shaqsiyaadkii dilka iney geteen looga shakiyey waa la hayaa waxaana dilkaasi lugu ku leh shaqsiyaad qaab dhismeedka dowliga ku jira” ayuu yiri.
“Aragtiyada naceybka xambaarsan ee ku saleysan qowmiyad ama siyaasad dalka Itoobiya wixi hadda ka dambeeya boos ugama bannaana, xoogagga doonayey iney dalka Itoobiya dhiig ku daadiyaanna waxaan u sheegayaa iney riyadoodaasi marnaba rumoobeynin” ayuu yiri.
“Xoogagga magac qabiil ama siyaasad ku soo gabbanaya ee aan aan dagaal waxa uu yahay oo doonaya iney dagaal magaalo waxa uu yahay ay na baraan waxaan ku qasbanahay inaan tusno dagaal magaalo waxa uu yahay iyo sida guusha looga gaaro, xoogagga doonaya iney facebooka ka riyoodaanna waxaan u sheegeynaa iney marnaba riyadoodaasi u rumoobeyn.”
Hadalka uu warbaahinta dalka Itoobiya uu ka jeediyey Dr Abiy Axmed ayaa u muuqday mid ka kulul kuwii horay looga bartay.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office









