Taliyaha miltariga Soomaaliya ayaa ka badbaaday qarax lala beegsaday kolonyo uu la socday taliyaha militariga Soomaaliya Janaraal Odawaa Yuusuf Raage oo maraysay meel aan ka fogeyn xerada Janaraal Gordon ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
ilo kala duwan waxay BBC-da u xaqiijiyeen in Jarnaraalku uu weerarkaas ka badbaaday balse ay jiraan khaasare soo gaaray askartii ilaalada u aheyd taliyaha ee la socotay kolonyada.
Wararka waxay sheegayaan in gaariga lagu soo raray waxyaabaha qarxa toos loola beegsaday gaariga uu watay taliyaha balse ilo ku dhaw ciidammada waxay BBC u sheegeen in uu taliyuhu ka badbaaday weerarkaas.









