Tobanaan qof ayaa lagu soo waramay in ay ku dhinteen isku-dhacyo ka dhashay dibad-baxyo lagaga soo horjeedo dilka fanaan caan ah oo lagu dilay dalkaasi habeenkii Isniinta.
Magaalooyin u badan deegaanka Oroma iyo caasimada, ayaa waxa la sheegay in booliska iyo dad shacab ahi isku dhaceen.
Dalka Itoobiya oo ay aad u adagtahay helida xogta la xidhiidha xaaladaha noocan, ayaa waxa saraakiil la soo xigtay in ugu yaraan konton ruux ay ku dhinteen rabshadaha socday maalintii labaad.
Tiro intaasi ka badan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen, inkasta oo ay qulqulatooyinku aad u xooggan yihiin.
Geesta kale, waxa xabsiga loo taxaabay dad badan oo ay ku jiraan hogaamiyaha Gobolka Oromada ugu saameynta badan ee Maxamed Jawar, guddoomiye ku-xigeenkii xisbiga Gobolka Oromada iyo tobanaan qof oo kale oo katirsan mucaaridka.
Maxamed Jawar, ayaa lagu eeddeeyey in ay isku dayeen in ay is-hortaagaan Maydka Ninka fanaanka ahaa ee la dilay oo loo qaadi rabay magaalada uu ka soo jeedo oo 100km dhinaca galbeed kaga beegan Magaalada Addis Ababa.
Booliska, ayaa sheegay in Jawar iyo ilaaladiisa lagu qabtay hub.
Magaalada Caasimada ah ee Addis Ababa iyo magaalooyin kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ka socdaan dibad-baxyadu, waxaana inta badan waddankaasi hakad la geliyey isu-socodka iyo dhaqdhaqaaqa dadka.
Ninka Fanaanka ahaa ee la dilay oo magaciisa la odhan jiray Haacaaluu Hundeessaa, ayaa aad looga jeclaa dhulka Oromada, waxaanu qayb weyn ka qaatay kacdoonkii ay qoomiyada Oromadu cadaadiska ku saartay xukuumaddii hore.
Wuxuu nin kamid ahaa dadka ugu saameynta badan gobolka Oromiya.
Wariye ku sugan magaalada Jigjiga, ayaa sheegay in rabshadaha ka dhashay dilka ninkaasi sababeen in la burburiyo taalooyin iyo meelo caan ahaa oo ku yaallay magaalooyinka dalkaasi.
Isgaadhsiinta Internet-ka iyo farriimaha Telefoonada gacanta ayaa gabi ahaanba la xayiray Talaadadii shalay.
Reysal-wasaaraha dalka Itoobiya oo habeenkii xalay hadlay ayaa sheegay in dilka fanaanku ahaa mid qorsheysan, isagoo ku adkeeyey carabka in sharciga la horkeeni doono kuwii ka dambeeyey.









