Xubno kamida Salaadiinta Somaliland, ayaa baaq u diray shacabka iyo dawladda Djibouti oo ay ku buuriyeen in ay nabad-gelyada iyo degenaanshiyaha dalkooda ilaaliyaan, waxaanay walaac ka muujiyeen dhacdooyinkii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha dalkaasi.
Salaadiintan oo ka soo jeeda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxa ay ku adkeeyeen bulshada reer Djibouti in ay ilaalshadaan nabad-gelyada iyo midnimada dalkooda.
“Walaaleyaal arrinta dhulka dhiga oo halkaa yaanay dhaafin, meeshani waa afrika hadday sinbiririxato ma soo kacdo”ayuu yidhi Suldaan Axmed Maxamed Colhaye oo kamida Salaadiinta hadlay.








