Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in mowqifka Somaliland ee dib-ula soo noqoshadii xornimadeedu uu yahay mid aan marnaba gorgortan geli karin, balse maamulka Soomaaliya ay ka wada hadi karaan kala-gurasho iyo sidii heshiis looga gaadhi lahaa wixii ka dhexeeyey labada dhinac burburkii hore.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo lagu waraystay barmaamuj todobaadle ah oo ka baxa Idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga, ayaa mar kale ku celiyey in dawladda Soomaaliya xumaysay isku soo dhawaanshiyihii lagu unkay bilowga wadahadallada muddada hakadka ku jira.
Geesta kale, Mr. Biixi, waxa laga waraystay arrimaha siyaasada gudaha iyo dibada, waxaana qodobada wax laga waydiiyey kamid ah dhaliilaha xukuumaddiisa loogu jeediyo dhanka furfurnaanta iyo xidhiidhka Bulshada.








