Dhallinyarada reer Hargeysa ee Xamar hore u joogi jiray waxay u badnaayeen niman ganacsiyo leh, iyo qaar habab kale oo aqoonaysan u nool, oo marka ay arrimaha siyaasadda ee koofurta ka hadlaayaan warka ku billaaba “annagu haddii aan nahay reer Somaliland…”.
Hadda, waxaa Xamar tegay koox reer Hargeysa ah, oo magacooda la yiraa “Ar Farmaajo ii geeya.” Dhowr astaamood ayay leeyihiin:
1. Waa niman aan xildhibaan Nacnac xataa weligood arkin, haddana ku leh “waxaan isa soo dagaalnay oo i soo masaafuriyay Muuse Biixi.”
2. Marka ay doodaha siyaasadda Somaliland ka hadlayaan waxay leeyihiin “Muuse waddankii wuu ku dheelay, oo waa in xabbad xilka looga qaadaa.” Marka ay siyaasadda Xamar ka hadlayaanna waxay leeyihiin “reer Muqdisho dowlad ma rabaan, oo waxay doonayaan inay madaxweyne Farmaajo kursiga xoog uga qaataan.”
3. Farmaajo ka dib ayay Xamar yimaadeen, haddana waxay ku leeyihiin “Illaah baan kugu dhaarshaye Farmaajo ka hor ma Xamar ayaa saan ahayd?!”
4. Sheekh Cabdulle Cariif hadduu idaacadda ka yiraa “dowladdu shacabka jidadka ha u furto”, waxay ku leeyihiin “asaga markuu xilka haayay muxuu u furi waayay?!” “Intow ka haayay” haddaad tiraana, waxay ku leeyihiin “sow dowladdii Xasan Sheekh ka ma tirsanayn?!”
5. Suuqbacaad meel ay ku taal ma yaqaannaan, haddana waxay ku leeyihiin “Xamar wax dhib ah ka ma jiro, meel kastana horumarka dowladda ayaa gaaray.”
6. Intii aysan Hargeysa ka imaan, xaafadda Masallaha inta ka baxaan marka ay Sheekh Madar tagaan; waxay dhihi jireen “Naw! Waar maanta waan fogaaday oo daantii kalaan u tallaabay”. Haddana, waxay ku leeyihiin “waxaan Xamar u joognaa midnimada ummadda Soomaaliyeed”.
Meeshii aad qof astaamahaas leh ku aragto, siyaasad ha kala doodin, ee waxaad tiraa “Faysal Cali Waraabe ayaa ku raadinaayay.”









