Hargaysa(AN) :- Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa Shaacisay In Xanuunka Cronavirus laga Soo Waayey 11 Qof oo Dheecanadooda Debada Loo Diray
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo 26 April Kula hadlay magaalada Hargaysa in tirada Guud ee Xanuunka Uduwangaliyeen ay Dhan tahay 6 Qof Laba Kamid ahina ka bogsadeen Xanuunka Covid 19
Dr Maxamed Cabdi Xergeeyey Agaasimaha Guud ee wasaarada Caafimaadku waxa kale oo uu xaqiijiyey in Dad gaadhaya 174 qof oo laga baadhay Xanuunka Dhamaantood Laga waayey Oo Ay Ka Caafimaad qabaan
Agaasimaha ayaa waxa Uu Intaasi ku daray In Dalka ay xuduudihiisa kasoo galeen24 saacadood ee Udanbeyey Dad Tiradoodu dhantahay 1662 Qof Kuwaasi oo Dhamaantood laga Baadhay xanuunka Covid 19 ayna caafimaad qabaan
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office








