Duulimaad-yadii Caalamiga Ahaa Ee Somaliya Iman Jiray Oo La Joojiyey

0

Muqdisho (Arbsiyonews) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday dhammaan duulimaadyada Caalmiga ah ee Soomaaliya soo gaadhi jiray.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga bilaabo marka la gaadho dhammaadka maalinta 18 bisha Maarso Lix saac habeenimo la joojiyey dhammaan duulimaadyadii kasoo dagi jiray iyo kuwii ka duuli jiray dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay inuu amarkaan soo baxay kadib markii uu kulan deg deg ah isugu yeeray Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in amarkaan lagu joojinayo duulimaayada Caalamiga ah uu ka dhaqan geli doono dhammaan dhulka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay Dowladda Soomaaliya fasixi doonto kaliya duulimaayada xagga bini’aadanimada iyo kuwa gargaarka.

Go’aankaan ayaa kusoo aadayo xilli Maanta Kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka CoronaVirus  laga  helay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta baaritaan lagu sameeyay afar ruux oo hooray loogu karaantiilay Garoonka Aadan Cadde ee Magaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya laga helay mid ka ah Cudurka Corona.

Cudurka Coronavirus ayaa sababay inuu istaago isku socodkii inta badan adduunyada, waxaana maalinba maalinta ka dambeyso sii badanayo kiisaska cudurkaan ku saabsan ee la helayo.