Madaxweynaha Mareykanka oo laga baadhay caabuqa Coronavirus

0

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay in laga waayey caabuqa halista ah ee Coronavirus, kadib baaritaan lagu sameeyey.

Warkan oo kasoo baxay Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa lagu yiri “Waxaa nasoo gaartay cadeyn ah in Madaxweynuhu uusan xanuunkan qabin”.

Madaxweyne Trump ayaa waayadan laga dalbanayay in uu isbaaro, kadib markii uu la kulmay wafuud ka socotay dalka Brazil oo qaarkood markii uu soo dhamaaday kulankaas laga helay xanuunkan.

Trump oo 73-sano jir ah ayaa diiday in uu si iskiis ah isku karantiilo, isagoona ku dooday in aysan ka muuqan wax astaamo ah oo muujinaya in uu soo wajahay cudurkaas.

Ugu danbeentii waxaa la sheegaya in Madaxweynuhu uu qaatay go’aan ah in uu is baaro, iyadoona xanuunkaas laga waayey sida lagu sheegay warka kasoo baxay Aqalka Cad ee dalka Mareykanka.