Adis-Ababa (Arbsiyonews) Itoobiya ayaa Maraykanka ku eedaysay inuu u muuqdo mid u dhaqmaya si dublumaasiyadda ka baxsan, kadib markii Maraykanku Itoobiya u sheegay inaanay dhamaystiri karin biyo-xidheenka wayn oo ay Itoobiya ka dhisayso gudaha dalkeeda, kaasoo ay ku muransan yihiin dalka Masar.
Itoobiya iyo Masar, ayaa ku muransan dhismaha biyo-xidheenkan wayn ee ay Itoobiya ka dhisayso gudaha dalkeeda, taasoo Masar ka cabsi qabta haddii ay Itoobiya dhisato inuu saamayn ku yeelan doono biyaha webiga Niil, kaasoo 90% ay Masar ku tiirsan tahay biyihiisa, halka ay Itoobiya ku andacoonayso inaanu waxba u dhimi doonin biyihii Masar gaadhayay.
Kadib cabsi laga qabay, in taasi ay labada dal ku riixdo dagaal toos ah oo dhex mara, ayaa waxaa soo faragelisay xukuumadda Washington, taasoo u muuqatay mid dhexdhexaadinaysa, waxaanay ahayd uun todobaadkii hore, markii ay sheegtay inay labada dhinac ka gaadheen heshiis.
Heshiiska ay wada gaadheen Masar iyo Itoobiya, ayaa dhigayay inaan la buuxin karin biyo-xidheenka illaa qalinka lagu duugo heshiiska rasmiga ah.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Gedu Andargachew, ayaa sheegay in hadalka kasoo yeedhay Washington uu ahaa mid aan waafaqsanayn habka ku salaysan diblumaasiyadda waxaanu Maraykanka inuu ku dedaalo sidii wax loo hagaajin lahaaye aanu wax kale ku tashan.
Madaxwayne Donald Trump, ayaa dhiggiisa Sisi u sheegay inuu si walba iskugu deyi doono dhammaynta arrinta Niil, kaasoo dadka siyaasadda falanqeeyaa ay ku tilmaameen Maraykanka inuu garabka saarayo Masar.









