Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday rag lagu eedayay ka tirsanaanta Alshabaab

0

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sidda ayaa xukun min 10-sano ah oo xabsi ciidan ah ku riday Cabbduqaadir Suufi Muunye & Saciid Cumar Cabbdullaahi ka dib markii ay ku heshay in Alshabaab ay u qaabilsanaayeen xagga Maamulka iyo Maaliyadda Tuulada Mareerey ee hoos tagta Afgooye.

Dhanka kale Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim ayaa Idaacadda Alfurqaan u ahaa wakiil wareed xagga dhaq-dhaqaaqa ganacsiga u gudbin jiray sida ay Maxkamaddu sheegtay waxaana lagu xukumay 8-sano oo xabsi ciidan ah.