Madaxweynaha Somaliland oo Soo Bandhigay Mashruuca Biyo Balaadhinta C. Hargeysa Iyo Guud Ahaan Dalka

0

Madaxweynaha Somaliland oo Soo Bandhigay Mashruuca Biyo Balaadhinta C. Hargeysa Iyo Guud Ahaan Dalka

Madaxweynaha Somaliland md Muuse Biixi Cabdi’ ayaa soo bandhigay Mashruuca Biyo Balaadhinta ee Caasimadda Hargeysa halka uu maraayo oo uu Ku cabiray inay Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa 80% inay soo saarida Biyaha Ku guulaysatay halka ay Wajiga 2aad ee Qaybinta Biyaha Caasimadda Hargaysa marayso 30% isla markaana waxa uu Madaxweyne Biixi farta ku fiiqay qorshaha guud ee Xukuumadda Somaliland ay Magaalooyinka dalka ay Biyo ku filan ugu samaynayso inay helaan.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi’ ayaa Khudbadiisii Sanadlaha ahayd oo Labada gole Baarlamaan ee Somaliland uu ka horjeediyey taas oo ahayd khudbad aad u dheer waxa uu qayb Qudbadiisaas ka mida Ku soo qaaday Qorshaha cad ee Siyaasada Biyo Balaadhinta Dalka gaar ahaan Mashruuca Ugu wayn ee Biyo Balaadhinta Caasimadda Hargeysa oo in uu meal fiican maraayo uu Madaxweyne Biixi sheegay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi’ waxay Khudbadiisa Maanta qaybta uu kaga hadlay Biyo Balaadhinta Caasimadda Hargeysa iyo guud ahaan Dalka waxay u dhignayd sidan.

Horumarinta Biyaha

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Waxa aynu dhammaanteen ku qanac-sanahay in biyuhu yihiin nolosha koowaad ee Aadamaha. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxa ay dadaal dheeri ah galisay biyo soo-saarka iyo biyo ballaadhinta magaalooyinka iyo miyiga Dalka.

§ Waxa la qoday 32 Ceel oo ah kuwa dhaadheer.

§ Waxa la dayactiray 66 Ceel oo ah Ceelal dhaadheer.

§ Waxa sahamintooda la dhammaystiray 33 Ceel oo ah ceelasha dhaadheer.

§ Waxa la qoday 8 Dhaam oo cusub, waxaana la dayactiray 12 Dhaam.

§ Waxa la qoday 153 Barkadood oo cusub, waxaana la dayactiray 203 Barkadood oo hore u jiray.

§ Waxa biyo ballaadhin laga hirgaliyey magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo iyo Borama.

§ Waxa meel fiican oo lagu diirsado maraya biyo ballaadhinta magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa, waxaanu u qaybsamaa mashruucaasi laba qaybood oo kala ah, Biyo soo-saarka iyo soo gaadhsiinta Biyaha ee magaalada Hargeysa, waxaana dhammaaday mashruucaa 80%, qaybta labaad ee mashruucu waa biyo qaybinta magaalada gudaheeda, waxaana dhammaaday 30%.