Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, oo kusoo biiray Tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Jack Grealish.

0

(Arabsiyo News)-Labadda koox ee Barcelona iyo Real Madrid, ayaa ka mid noqday kooxo dhowr ah oo ku raad jooga helitaanka laacibka u ciyaara kooxda Aston Villa ee Jack Grealish, kaas oo suuqa ay ka baadi goobayeen kooxo kale oo yurub ka dhisan.

Xiddiga qadka dhaxe ee kooxda Aston Villa Grealish, ayaa horey waxa uu bartilmaameed ugu ahaa kooxda Man Utd, balse haatan loolankiisa waxaa kuso biiray Barcelona iyo iyo Real Madrid, sida lagu qoray wargeysyadda qaar.

La Liga, kooxaha ka dhisan ee Barcelona iyo Real Madrid, ayaa raadinaya saxiixa 24 jirka kooxda Aston Villa Jack Grealish, oo mar ku dhawaaday in uu ku biro kooxda Manchester United, oo xiiso daran u haysay xiddigan laakiin aan wali ka quusan iney soo qaatan xiddiga lambarka buuxa (10), kooxda Aston Villa ee Grealish.

Sida lago qoray the Sun, Real iyo Barca, ayaa xiisa ay u qaban laacibkan waxaa uu ka dhigi karaa mid lacago qaali la dul dhigo saxiixiisa, kooxda Manchester United, ayaana Tartan culus waxa ay kala kulmi doonta kooxaha ugu miisanka weyn  Spain ee Real iyo Barcelona, oo kabaha uso xirtay saxiixa xiddigan.

 

 

W/Q: Abdiwali Bile Abdullahi