“Waa inuu isoo wacaa Florentino, haddii Real Madrid ay dooneyso saxiixa De Bruyne” Guardiola.

0

(Arabsiyo News)-Tababaraha Kooxda Citizens Pep Guardiola, ayaa ku kaftamay in Perez, madaxweynaha Kooxda Real Madrid, uu si shaqsi ah uso waci doono haddi Kooxda Madrid ay dooneyso laacibka Kooxda Manchester City Kevin De Bruyne. Pep, ayaa sido kale hoos u dhigay wararka tibaaxaya in Phil Foden, Kooxda ka dhaqaaqayo.

Pep Guardiola, ayaa sheegay in uu filaayo in Taleefan kaga imaan doono madaxweynaha Kooxda Real Madrid Florentino Perez, haddi Kooxda Real rabto Kevin De Bruyneka u ciyaara Kooxda Manchester City. Laacibka xul qaranka Belgiumka Kevin, ayaa si weyn waxaa loola xariirinaaya Kooxda Real Madrid, oo dooneysa in kubad sameeyahan ay ku xoojiyaan shaxda Kooxda ee qalbadda dhexe.

Xiddiga heerka caalami ee qaranka Belgium, ayaa kooxda Manchester city, u dhaliyey 47 gool 204 kulan oo uu matalay kooxda, waxa uuna kusoo baxay mid kamid ah xiddigaha qadka dhexe ugu wanagsan dunidda marka loo fiiriyo bandhigiisa kooxda iyo Qarankiisa Belgium. Tababare Guardiola, ayaana muujiyey hadal kaftan u muuqday markii uu maqlay in Real Madrid ku riyooneyso Kevin De Bruyne.

Dhanka kale Macalinka kooxda muwaadininta lagu naaneyso Pep, ayaa sheegay in Phil Foden, uu yahay ciyaaryahan kale oo tayo leh, 19 jirkaan ayaa labo waqti ciyaareed kamid safka koowaad ee kooxda Man city. Guardiola, ayaana u sheegay kooxaha danaynaya adeega xiddigan iney bixin doonan dalabaad aad u qaali ah.

 

                      W/Q: Abdiwali Bile Abdullahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here