“Messi la,aantiis Barcelona, waxa ay wajihi kartaa xaalad adag, sida ay Real Madrid Ronaldo, la,aantiis u wajahday xaalad adag” Guardiola.

0

(Arabsiyo News)-Kooxda Merengue, ayaa ilaa iyo hadda aanan gaarin guulo waa weyn iyo kaalimo wax ku ool ah tan iyo markii uu Kooxda ka huleeelay weeraryahankii hore ee Kooxda Cristiano Ronaldo, oo iska xaadiriyey Kooxda Horyaalka Talyaaniga ee Juventus. Sidaasi si mid ah Pep Guardiola, ayaa qaba in Barcelona dhibaato so food saari karto haddii messi uu Kooxda ka tago.

Tababaraha Kooxda Manchester city Pep Guardiola, ayaa aaminsan in Barca, ay caqabad waqti dheer ah la kulmi karto sida Real Madrid ay ku baraarugtay iney  bohol ku dhacday ka dib ka tagitaankii Cristiano Ronaldo, haddi Kooxda Camp Nou uu ka baxo Messi. Xiddiga Qaranka Argentine Lionel Messi, ayaa xirfaddiisa oo dhan ku qaatay Kooxda Barcelona, kadib yarantiisii oo uu kaso tagay dalkiisa hooyo.

Kooxda Madrid, ayaa ogaatay iney lumiyeen hoggaamiyihii Kooxda markii xalad adag galeen sanad ciyaareedkii 2018-19, Ronaldo, ayaa u dhaqaaqay Kooxda Juventus, kadib markii uu Kooxda Real Madrid, kula guuleystay Tartanka Champions Leagues, saddex fasal ciyaareed oo xariir ah. Macalin Pep, oo wax badan ka garanaaya Kooxda Barcelona iyo Kabtanka kooxdaasi Messi, sido kalena so noqday Tababare taariikh iyo diwaano la soo samayey Kooxda Barca, ayaa uga digay Maamulka sare ee Kooxda, shaqaalaha iyo ciyaaryahanadda suurtagalnimadda in messi uu Kooxda ka huleeylo. Pep Guardiola, oo u waramay Post United ayaa sheegay in Messi, uu aad muhiim ugu yahay Kooxda Barcelona, haddii uu ka tagana kooxdu ay u baahnaan doonto waqti badan oo ay isku hagaajiyaan. Messi, ayaa halkii gal ciyaareed Kooxda u dhaliya ugu yaraan 40 ama 50 gool.

Tababaraha Kooxda Manchester city Pep Guardiola, ayaa 20 sano kusoo qaatay Kooxda Barcelona , asagoo ciyaaryahan iyo tababre ah, waxa uuna kula soo guuleystay 14 koob oo kala duwan, 2012, ayuuna iskaga soo tagay Spain.

 

                      W/Q: Abdiwali Bile Abdullahi