Maareeyaha Wakaalda Biyaha Hargeysa oo Soo Bandhigay Khasaaraha Dowladda Hoose ay Gaadhsiisay Beebabkii Biyaha ee Caasimada oo La Burburiyey

0

Hargeysa (AN):-Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Daarood’ ayaa Luuqad adag kula hadlay Maayar Soltelko iyo Dowlada Hoose oo Burburiyey khasaarena gaadhsiiyey Beebabkii Biyaha u Qaybinaayey C. Hargeysa

Maareeye Maxamed Daarood’ ayaa shir Jaraa’id uu Saaka qabtay Ku soo bandhigay Khasaare Xoogan oo maamulka Dowladda hoose ee Hargeysa ay gaadhsiiyeen Beebabkii Biyaha ee Caasimadda Hargeysa u qaybin jiray waxaanu Maayarka Hargeysa C/raxmaan Soltelko iyo maamulkiisa Dowlada hoose uu ku. Eedeeyey inay Ku kaceen masuuliyad daro sabab u noqotay Khasaaraha Biyihii Bulshada reer Hargeysa Cabi jireen inay

khasaaroobaañ arintaasina ay tahay nasiib daro aan loo baahnayn oo Dowladda hoose ay ka masuul tahay.

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office

Cabdiwali Cali