Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.13 January 16, 2020, ku magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso. Madaxweynaha maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Axmed Siciid Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.









