DEG DEG: Dagaal Culus Oo Ciidamada Dawlada Iyo Alshabaab Ku Dhex Maray Deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose”

0

Wararaka ka imaanaya deegaanka Xaaji Cali ee hoos-taga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi saaka ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo Al-Shabaab.

Dagaalkan oo ay soo qaadeen Al-Shabaab ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan, waxaana la soo sheegayaa inuu saacado badan uu qaatay sida ilo deegaanka ah Mustaqbal u sheegeen.

Wararka ayaa sheegayaa in uu jiro khasaare labada dhinac soo kala gaaray, waxaana dadka deegaanka ku soo waramayaan in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,hayeeshee uu goordhow istaagay.

Al-Shabaab ayaa sheegay in saldhigga ay ciidanka dowladda ku sugnaayeen la wareegeen oo ay cagta mariyeen isla markaana ay haatan iyagu ku suganyihiin Saldhiga Ciidanka Dowlada Soomaaliya ay halkaasi ku lahaayeen.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshebeelle oo ku aadan weerarka Al shabaab ku qaadeen deegaanka Xaaji Cali.

Deegaanka Xaaji Cali ayaa ah deegaan ku dhow degmada Cadale ee xeebta ah, waxaana deegaankaas iyo Cadale ahaayeen goobo aanay Al-Shabaab soo weerarin tan iyo markii ay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen lix sano ka hor.