Duqeymo Xoogan oo la Sheegay iney ka dhaceen degmooyinka Jamaame, Salagle, Jilib iyo Xaramka

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Diyaarado Dagaal oo la sheegay iney Duqeymo Xoogan ka fuliyeen gobolada Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose.

Sarkaal katirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay Duqeymaha iney ka dhaceen degmooyinka Jamaame, Salagle, Jilib iyo deegaanka Xaramka oo dhamaan ay wada Maamulaan Mintidiinta Al Shabaab.

DUQEYNTA KOOWAAD

Duqeynta ka dhacday deegaanka Xaramka waxaa lagu dilay Saraakiil Iyo Dagaalyahano uu kamid yahay Waaligii Ama Gudoomiyihii Xamarka Macalin Arbacow.

DUQEYNTA LABAAD
Duqeynta ka dhacday Jamaame ayaa la sheegay in lala eegtay Kolonyo uu hogaaminayay Amiirka Ciidamada Al Shabaab ee Gobalada Jubbooyinka, halmaasina la sheegay in lagu dilay Dagaalyahanadii Iyo Taliyihii hogaaminayay Ciidamadaasi.

DUQEYNTA SADDEXAAD

Duqeynta ka dhacday Deegaanka Salagle ayaa la sheegay in Gantaalo lagu garaacay Xaruntii ciidanka Howlgalada Shabeelooyinka ee Al Shabaab.

DUQEYNTA AFARAAD

Duqeynta ka dhacday Degmada Jilib ayaa la sheegay in lala eegtay Xarun lagu keydiyo Saanadaha Ciidan ee Xoogga Al Shabaab ee Soomaaliya.

Wali Al Shabaab kama aysan hadlin Duqeymahaasi.