Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Xil Mihiim Ah U Magacaabay Wiilkiisa & Fadeexad Xun Oo Taagan. Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa wiilkiisa Diiriye Maxamed Muuse u magacaabay kaaliyaha mashruuc ay ka wadashaqayn doonaan wasaaradda Biyaha iyo Hay’adda Care. Wasiirku waxa uu xilka wasaaradda hayay muddo ka yar hal Bil. Sidoo kale wiilka uu magacaabay kama mid ahayn shaqaalaha wasaaradda Biyaha.Mashruucan wasaaradda iyo hay’adda Care ka wadashaqaynayaan ayaa loogu talo galay lacag aad u tiro badan.









