Halyeeyga Liverpool John Aldridge ayaa wacay ururka xirfadleyda garsoorayaasha Premier League wuxuuna u sheegay ineysan kulamada Liverpool u magacaabin garsoore Anthony Taylor.
Taylor ayaa garsooray todoba kulan oo Liverpool ah tan iyo bilowga fasalkii hore, kooxda Jurgen Klopp ayaana badisay lix ka mid ah, kaliya kulan ay la ciyaareen Manchester City ayey guuldaro kala kulmeen.
Garsooraha u diiwaangashan FIFA ayaa loo dhiibay kulankii Reds ay 1-0 guul ah ka gaareen Wolves, waxeyna aheyd ciyaar ay laba jeer saameyn ku yeelatay aaladda VAR.
Qaladka hore ee lagu murmay wuxuu ahaa mid lagu tuhmay Adam Lallana ka hor inta uusan Sadio Mane goolka furitaanka dhalin, sidoo kalana VVD ayaa la aaminsan yahay inuu gacan ku taabtay, sidoo kalana goolkii Pedro Neto ayaa la kansalay sababtoo ah in garab dhaaf laga dhigo.
Inkastoo labada go’aanba ay faa’iido ugu jirtay Liverpool, hadana Aldridge kaas oo horyaalka heerka koowaad kula guuleystay Reds 1988 ayaan taageero u aheyn Taylor.









