Kornayl Caarre Oo Dalka ka Baxaya Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay.
Kornayl Siciid Jaamac Caarre oo labaddii sanno ee u danbeeyay ahaa aasaasahaJabhadda Dulmi Diid oo ahayd jabhad kasoo horjeeda xukumadda madaxweyne biixi ayaa la filayaa inuudalka ka baxo.
Kornayl Siciid Jaamac Caarre ayaa la sheegay in loo sameeyay Baassaboorka Soomaaliya, isla markaanna ayXukuumadda Muuse Biixi ka shaqaynayso siddii uu dalka uga bixi lahaa Kornaylkaasi oo hadda in muddo ah
ka soo horjeedday dawlada xisbiga talada haysa ee xisbiga Kulmiye.
Inkastoo aannu jirin War rasmiya oo labadda dhinac ka soo baxay hadana Xukuumadda Muuse Biixi iyoKornayl Caarre ayaa wararka ku saabsan ee laga helayo degmadda Ceerigaabo, waxay sheegayaan in guddidii
dhexdhexaadinaysay ay ka shaqeeyeen siddii uu Kornaylka hogaaminaya jabhada Dulmidiid dalka uga bixilahaa, waxaanna la gaadh-siiyay Baasaboorka Soomaaliya oo loo sameeyay.
Waxa kale, oo wararku sheegayaan in Ciiddammadii uu hoggaaminaayay Kornayl Siciid Jaamac Caarre inqaarkood la qarameeyay oo dib loogu celiyay Ciidamadii somaliland ee ay ka tirsanaayeen , isla markaanna intahadhsan la wada qaramayn doonno sida qorshuhu yahay.
Si kastaba ha ahaatee hogaamiye Muuse Biixi Cabdi ayaa hore u sheegay inaanu Cafiyi karrin Kornaylkaas ooSharciga dalka u yaallaa aannu u fasaxayn tallaabaddaas waa sida uu hadalka u dhigaye, balse ilaa hadabulshada looma soo bandhigin waxyaabaha isbadalay ee sababaya in kornayl Caarre dalka laga saaro.









