Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jangali oo u hadlay guddiga Qaran ee dowladda Soomaaliya uga wakiilka ah Wadahadallada Somaliland ayaa sheegay in dhankooda ay diyaargaroobeen, balse sugayaan oo kaliya dhinaca Somaliland iyo guddigii Wadahadallada uga qeybgali lahaa.
Jangali ayaa sheegay in tan iyo markii la magacaabay guddigan ay wadeen xog Uruurin iyo kulamo ay
lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka si ay u helaan xog ku saabsan aragtida shacabka ay ku
qabaan Wadahadallada ugu danbeyntiina kulamadaasi u soo dhamaadeen.
‘’Annagu dhankeena diyaar ayeeynu nahay wixii xog Uruurin iyo Cilmi baaris ah waan soo dhameynay, kaliya
waxa aan sugnaa waa dhinaca Somaliland iyo in ay soo magacaabaan xubnihii Wadahadalka ku matali lahaa’’
ayuu yiri Xildhibaan Jangali oo ka tirsan guddigga
Wuxuuse Gaashaanka ku dhuftay doodda dhinaca Somaliland ee ah in aan guddiga Wadahadalka qeybta ka
noqonaya lagu soo dari karin xubno ka soo jeeda deegaannada Somaliland isaga oo yiri’’ Waxaa muhiim ah
qadiyada laga Wadahadlayo ee muhiim ma’aha shaqiyaadka labada dhinac ku matalaya Wadahadalka… Somaliland uma soo xuli karto dowladda Soomaaliya guddiga Wadahadalka ku matalaya‘’ ayuu yiri Jangali. Somaliland ayaa mar horeba sheegtay in aysan Wadahal la fuli doonin dowladda uu madaxweynaha ka yahay
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ku eedeeyeen in mudaddii ay jirtay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo ka dhan ah hormarka iyo jirintaanka Somaliland.








