Xildhibaannada Golaha deegaanka ee Laascaanood ayaa ka horyimid biyogelin la doonayo in
laga sameeyo Magaalada Laascaanood. Xildhibaannada ayaa sheegay in shirkadda la siiyey Mashruuca biyogelinta Laascaanood doonayso inay Magaalada Biyaha uga soo jiiddo Ceelka Goojacade oo ay sheegeen in biyihiisa aanay Xooluhu Cabbin karin, sidaasi darteedna waxay ugu baaqeen Dawladda Somaliland inay
mashruuca dib u eegto. Xildhibaan Maxamed Aflahaar oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha deeganka Laascaanood ayaa sheegay in aanay ogolayn in Magaalada Laascaanood biyo looga soo geliyo Ceelka Goojacadde, waxaanu yidhi “Dawladdii Riyaale biyogelin ayay ballan qaaday, Tii Siilaanyo iyana doorashada waxay ku gashay in ay biyogelin samaynayso, halka Muuse Biixina uu sidaas si la mid ah u ballanqaaday,
haddana la sheegay in ceelka Goojacadde oo aan xooluhu cabbi karin in la yidhaahdo waa laga soo jiidayaa taasina maaha mid aanu yeeli karno” Xildhibaannada Golaha deegaanka oo dhaliilay Shirkad Magaceedu yahay Nugaal oo la sheegay inay ku guulaystay Mashruuca Biyogelinta Laascanood, ayaa diiddan Ceelka la doonayo in Biyogelinta looga sameeyo Magaalada Laascaanood, kaasi oo ay sheegeen inaan biyihiisa xooluhu cabbi karin. Shirkadda Nugaal oo ah Shirkadda wadda Biyogelinta Laascaanood ayaa dhawaan qalabka biyaha lagu sifeeyo ku rakibtay duleedka Magaaladaasi.









