Taliyihii hore ee Ciidammada Sirdoonka maamulkii Cabdi Maxamud Cumar (Iley) ayaa lagu
xidhey magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, kadibna loo gacan geliyay Maamulka cusub ee IsmaamulkaSoomaalida Itoobiya. Mukhtar Sheekh Suubane oo ku jira liiska dadkii la raadinayey ee dambiyada ka geystay deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la
sheegay inuu ku noolaa magaalada Hargeysa tan iyo markii la xidhey Cabdi Maxamud Cumar
Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomalida Itoobiya. Mas’uuliyiinta ugu saraysa Xafiiska Nabad gelyada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in
gacanta lagu dhigay Mukhtaar Sheekh Suubane oo ku eedaysan in uu galay dambiyo badan oo ay ka mid yihiin dil, kufsi, jidhdil maxaabiis. Xukuumadda Somaliland iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa wadahadallo dhowaan ka yeeshay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arrimaha ammaanka.









