FARMAAJO Oo La Kulmay Guddiga Wada­hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan wada tashi ah la qaatay Guddiga Wadahadallada Somaliland Iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howl gelinta Guddigan iyo shaqooyinka ay qabteen muddadii koobneyd ee ay magacaabnaayeen ay muujinayso sida ay uga go’an tahay dowladda hor u socodsiinta qorshaha Qaran ee lagu xoojinayo wadashaqeynta iyo hirgelinta jawi kalsooni iyo horumar loo dhan yahay

Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Guddigan in laga sugayo xal waara oo midho dhal ah, horseedana qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, si loo xaqiijiyo mabaadi’deenna wadajirka ah ee ku dhisan tallo wadaagga, waddaniyadda iyo isku duubnida. Dhankooda, Xubnaha Guddiga Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogta ay ururiyeen muddadii la soo dhaafay ee ku saabsan fursadaha muuqda ee ka midho dhalinta dhab u heshiisiinta ay
guddigu u xilsaaran yihiin iyo caqabadaha ku xeeran.