Qoys deganaa Hargeysa oo Guriga kusoo dumay iyo Khasaaro ka dhashay

0

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda SoOmaliland Guri ku yaalla Xaafad ka tirsan Magaalada uu kusoo dumay qoyskii ku noolaa.

Guriga soo dumay ayaa ku yaalla Xaafadda Birjeex oo ka tirsan Magaalada Hargeysan, isla markaana waxaa ku geeriyooday Qoyskii  noolaa sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland.

Allaha u naxariistee waxaa halkaasi ku geeriyooday laba Caruur ah, Aabahood iyo Hooyadood, kuwaasi oo dhammaantood ku sugnaa Guriga soo dumay, waxaana Meydadka laga soo saaray dhismaha hoostiisa.

Waaxda Gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Somaliland ayaa tegay goobta, kuwaasi oo soo qaaday Meydadka, isla markaana waxaa la geeyay Isbitaalka weyn ee Hargeysan.